Doolaow,(insidesomalia.org)- Ciidamo Itoobiyaan ah oo tiradooda lagu qiyaasay kumanaan ayaa xalay illaa saaka ka soo talaabay xadka Gobolka Gedo ee Dalka Soomaaliya uu la wadaago dalka Itoobiya gaar ahaan Degmooyinka Doolow iyo iy Luuq sida dadka deegaanaadaasi ku dhaqan ay sheegayaan.
Ciidamadan oo wata illaa boqol gaari oo ah nooca Ciidamada lagu daad gureeyo ee loo yaqaano Uralka iyo taangiyo ayaa lagu soo waramayaa in ay ku soo jeedaan dhinaca Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, waxaana dadka ku dhaqan deegaanada Doolow iyo Luuq ay si weyn ula yaabeen Ciidamada Itoobiyaanka ah ee u soo qulqulaya gudaha Dalka Soomaaliya.
Ilaa hadda lama oga ujeedada ay Ciidamada Itoobiyaaanka ah u soo galeen gudaha Dalka Soomaaliya iyo waxa ay damacsan yihiin, hase ahaatee waxaa arintani ay ku soo beegmeysaa xili Dowladda Itoobiya ay shalay ka dhawaajisay in ay bisha Disembar e Sanadkan la baxeyso Ciidamadeeda ka jooga dalka Soomaaliya, waxaana khabiirada ku xeel dheer dhinaca Milateriga ay sheegayaan in in laga yaabo Ciidamadan soo galay Soomaaliya ay yihin kuwo gelbinaya Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya jooga ee dalkooda ku laabanaya, inkastoo uusan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Itoobiya oo ku aadan arintan.